The Sudani Post

@TheSudaniPost

Independent Media Focus On Somalia News, Social Issues and World Events.

Muqdishu
Sumali noong Pebrero 2017

Mga Tweet

Binlock mo si @TheSudaniPost

Sigurado ka bang gusto mong tingnan ang mga Tweet na ito? Hindi maa-unblock ng pagtingin ang mga Tweet ni @TheSudaniPost

  1. 2 oras ang nakalipas

    Qarax miino ahaa nooca Miinada dhulka lagu aaso ayaa lala eegyay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga Soomaaliya oo mararyay deegaanka Weeydow ee duleedka Muqdisho. Ugu yaraan laba ruux oo mid kamid ah uu yahay Askari ayaa la sheegay in qaraxa ay ku dhinteen.

    I-undo
  2. 3 oras ang nakalipas

    Wafdi ka socda Wasaaradda Gaashaandhiga Dalka Masar ayaa kulan la qaatay Taliska Ciidanka Xoogga dalka S/Gaas Daahir Aadan Cilmi,waxayna kawada hadleen xoojinta xiriirka dhanka ciidamada iyo sidii iskaashi looga sameyn lahaa in Masar ay ka qeyb qaadato tababarida ciidamada Xoogga

    I-undo
  3. 4 (na) oras ang nakalipas

    Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi CKaraash ayaa Madaxtooyada Garoowe kulan kula qaatay qaar ka mid ah sanatarada Puntland ku metela Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo looga hadlay arrimaha kala duwan.

    I-undo
  4. 6 (na) oras ang nakalipas

    Madaxweynaha HirShabeelle Dr Mohammed Abdi Ware, Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlada DG HirShabeelle Md Ali Gudlaawe Hussein iyo Qaar kamid ah Wasiirada Dowlada ayaa caawa hoygiisa ku booqday Madaxweynihii Hore ee Somaliya Ahna Hogaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran Md Shariif Sheikh Ahmed.

    I-undo
  5. 19 (na) oras ang nakalipas

    Cabdi Shariif waa wiil Soomaaliyeed oo u ciyaara Kooxda Liverpool. Cabdi oo madaxa lulalaya waxaa la hadlaya tababaraha Kooxda. Steven Gerrard wuxuu toddobaadki hore sheegay " Inuu jir ahaan cabdi uu u dhigmo ciyaartooyda waaweyn".

    I-undo
  6. 19 (na) oras ang nakalipas

    : Madaxweynihi hore ee dalka Itoobiya Dr Nagaaso Gidaada ayaa la sheegay inuu maanta ku geeriyooday dalka Jarmalka. Dr Nigaaso Gidaada oo in mudda ahba xanuunsanaa waxaa lagu dabiibayey Isbitaal ku yaalla dalka Jarmalka.

    I-undo
  7. 20 oras ang nakalipas

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan Eng. Yarisow ayaa xariga ka jaray Warta Biyo Qabadka Degmada Boondheere oo dib-u-dhis lagu sameeyey. Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhismaha Warta Biyo-qabadka Degmada uu ku yimid wadatashi bulshada degmada ay la yeesheen

    I-undo
  8. 21 oras ang nakalipas

    Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wafti balaadhan oo uu hogaaminayo safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Ben Fender. Kulanka ayaa looga hadalay dhinacyada siyaasadda, Amniga iyo horumarinta dhaqaalaha.

    I-undo
  9. 21 oras ang nakalipas

    Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Ka qayb-galay Munaaasabad ballaaran oo loogu dabaal degayay 100 sano guuradii kasoo wareegatey markii la aas-aasay hay'adda Save The Children, oo maanta lagu qabtay magaalada Garoowe.

    I-undo
  10. 22 oras ang nakalipas

    Munaasabadda daahfurka Xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyo Ex madaxweyne Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta lagu qabtay muqdisho. Waxaana ka qeyb galay Maxamed Shiikh Jawaari, Ex Madaxweyne Xasan shiikh, Siyaasiyiin,wasiiro,Xildhibaano ka tirsan labada golle iyo qaybaha bulshadda.

    I-undo
  11. 22 oras ang nakalipas

    Wasiirka Boostada & isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur ayaa maanta la wareegay xaruuntii hore ee Taleefoonada, taas oo hada loo badali doono xaruun lagu soo bandhigo hal abuurka Tignoolajiyada,waxaana dhismaheeda la bilaabi doono 10-ka Bisha 6aad ee sanadkaan.

    I-undo
  12. 23 oras ang nakalipas

    Kulankii xildhibaanada golaha shacabka ee Maanta loo balansanaa ayaa baaqday sida uu ku dhawaaqay Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan. Sababta uu kulanka u baaqday ayaa lagu sheegay in ay tahay Kooram la’aan.

    I-undo
  13. Abr 27

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo safar shaqo ugu maqnaa dalalka Isutaga Imaaraatka Carabta iyo Kenya ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Putland, haalkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

    I-undo
  14. Abr 27

    Cali Sheekh C/llaahi (Cali Afgooye) ayaa ku guuleytay kursiga xildhibaanimo ee uu baneeyay agaasimihii NISA Xuseen Cismaan Xuseen. Cali Afgooye ayaa helay dhamaan codadkii Ergadu dhiibteen, maadaama uu ka maqnaa goobta musharaxii kale ee loo diiwaan geliyay inuu la tartamo.

    Ipakita ang thread na ito
    I-undo
  15. Abr 27

    Baydhabo waxaa maanta lagu qabanayaa doorashada sadex kursi oo ka banaan golaha shacabka BFS. Sadexda Kursi la dooranayo waxaa baneeyay Xuseen Cismaan Xuseen taliyihii hore ee NISA, Axmed Cabdulle Mayow oo geeryooday iyo Madaxwaynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis lafta-gareen.

    Ipakita ang thread na ito
    I-undo
  16. Abr 27

    Xafladda Daah-furka Naadiga Aqriska iyo Qoraalka Cadaado, ayaa xalay lagu qabtay magaalada cadaado ee Xarunta Baarlamaanka Galmudug. Xafladda waxaa ka qeyb galay mas'uuliyiin ka tirsan galmudug,maamulka degmada cadaado,aqoon yahano,iyo qeybha kala duwan ee bulshada.

    I-undo
  17. Abr 27

    Addis Ababa waxaa maalintii labaad ka socda Shir Looga hadlayo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya iyo dhameystirka hanaanka deyn cafinta Soomaaliya. Shirkaan waxaa ka qeyb galaya Wasiirka Maaliyadda XFS Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Hay'adda IMF, World bank iyo dowladdo kale.

    I-undo
  18. Abr 27

    Markab Dagaal oo ay leeyihiin Ciiddanka Badda ee EU-da ayaa la sheegay inay dabagal ku sameeyeen Doonida ay Burcad-baddeeda u adeegsadeen weerarkii fashilmay ee ay ku qafaalan lahaayeen labada dooni ee ka baxsaday.

    Ipakita ang thread na ito
    I-undo
  19. Abr 27

    Hawlgalka Ciiddanka Badda ee Midowga Europe ee Soomaaliya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Burcad-baddeed Soomaali ah oo dhowr maalmood ka hor ku fashilmay inay qafaashaan Labo Dooni Kalluumeysi oo marayey meel 280 miles ka baxsan Xeebaha Soomaaliya ee Badweynta Hindiya.

    Ipakita ang thread na ito
    I-undo
  20. Abr 27

    Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta lagu wadaa in kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshaan Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho. Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa ah, Aqrinta labaad ee Hindise sharciyeedka shirkadaha ganacsiga Dalka.

    I-undo

Ang paglo-load ay mukhang natatagalan.

Maaaring lumagpas na sa kapasidad ang Twitter o nakakaranas ng panandaliang problema. Subukan muli o bisitahin ang Twitter Status para sa karagdagang impormasyon.

    Maaari mo ring magustuhan

    ·